Biyo. Bulaacada & Wasakh Mareenka. Wasakhda. Dhamaan waa la daboolayaa.
Adeegyada Shacabka Seattle (Seattle Public Utilities) waxa ay bixiyaan adeegyada maamulida biyaha iyo wasakhda oo ay siiyaan 1.5 miyan ruux oo ku nool Seattle oo dhan. Waxa aanu nahay adeeg bixiye bulshada ah oo diirada saara ilaalinta caafimaadka shacabka iyo deegaanka oo leh amaanka biyaha la cabo, nidaamyada bulaacadaha iyo wasakhdu marto oo wax ku ool ah, iyo adeegyada wasakhda adag. Waxaanu kuu dadaalnaa adiga – iyo jiilasha soo socda.
Fursada Faalada Shacabka
Adeegyada Shacaba Seattle waxa ay soo bandhigi doontaa Qorshaheeda Gacansiga Khidadada 2021-2026 oo waxaana la qiimayn doonaa qorshaha ay u gudbinayso Golaha Deegaanka Seattle eeGudida Gaadiidka iyo Adeegyada Abriil 7 [saacada TBD].
Ilaalinta deegaanka
Waxa aanu danaynaa deegaanka, oo maaha magaaladeena oo kaliya. Waxa aanu ilaalinaa biyaha heer kasta oo wareegooda ah, waxaanu samaynaa maalgelin isdhaxgal iyo sinaan oo maamulida biyaha ah, waxaanu yaraynaa wasakhda kaarboonka, oo waxaanu si wanaagsan uga shaqaynaa sidii wasakhda eber looga dhigi lahaa. Barnaamijyadeena dhawaan waxaa kamid ah:
Xarunta Tayada Biyaha South Park
Gaadiidka Hawada U Wanaagsan
Biriish Hoosaadka Kaydka Ship Canal
Waxaan halkan u joognaa in aan ku caawino
Waxa aanu fahansanahay in macaamiisheenu ay leeyihiin dakhli hoose ama ka kala go’ay, ama ay ku adag tahay inay bixiyaan kharashka adeegyada, markaa waxa aanu siinaa barnaamijyo ka caawiya.
Barnaamijka Qiimo Dhimiska Adeega
BarnaamijkeenaQiimo Dhimista Adeega (Utility Discount) waxa uu siiyaa kaalmo dadka waayeelka ah, dadka laxaadka la’, iyo macaamiishaa uu dakhligoodu hooseeyo. Eeg hadii adiga ama jaarkaagu uu u qalmo oo onlayn ku dalbo maanta.
Kaalmada Gurmadka Degdega ah
Hadii aad u baahan tahay kaalmo degdeg ah oo kharash aad hore u bixisay ah, waxa aad u qalmi kartaa kaalmada xaalada degdeg ah. Nagala soo hadal (206) 684-5800, oo waxa aanu kaaga jawaabi doonaa su’aalaha aad qabto.
Kaalmada COVID-19
Waanu ognahay inuu wakhtigan yahay wakhti adag. Marka laga tago joojinta kharashka ganaaxa ee la daahida iyo in la iska jaro kaalmadeena kharashka COVID waxaa lagu heli karaa Barnaamijka Qiimo Dhimista Adeegyada oo waxa ay keentay qorshayaal bixin oo dabacsan.